Ciidamada xasilinta amaanka Muqdisho oo dhaawacay aroos la galbinayay

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal kooban oo dhex maray ciidamada xasilinta amaanka Muqdisho iyo dabley galbineysay aroos xili ay marayeen degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in iska hor imaadkan uu ka dhashay kadib markii ciidanka xasilinta oo halkaasi howlgal ka waday ay ku amreen ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.

Dhacdadaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho ee uu ku dhaawacmay wiilka arooska oo xaaladiisa aad u culus tahay.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE