SAWIRRO: Shirkadda DP World oo lagu wareejiyay dekadda Boosaaso

Munaasabad ka dhacday dekadda magaalada Bosaso ayaa si rasmi ah waxaa loogu wareejiyay maamulka dekadda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World.

Heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ayaa horay u dhacay, waxaana Puntland u saxiixay heshiiskaasi C/weli Cali Gaas.

Munaasabad ka dhacday dekadda Bosaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland, Waxgarad iyo wakiilo ka socday shirkada la wareegtay Dekada Bosaso ee DP World.Shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka ayaa lagu wadaa in ay ballaariso dekadda Bosaso, waxaana ku kacaya ballaarinta iyo dacartirka dekadda lacag dhan 3,36 milyan oo dollar, iyadoo mudo 30 sano ah gacanta ku hey do onto.

Hadda waxaa ganacsato ka cabanayaan in dekedda aysan kusoo xiran karin Maraakiib waaweyn sababo ay ku sheegeen in ciid soo buuxisay xeebta iyo goobihi ay istaagi jireen gaadiid badeedka shixnadda halka aysan gabi ahaanba badeecada ku jirta Container aysan imaan karin Puntland taasoo ganacsatada u isticaamaasho dekada magalaada Berbera.Wareejinta dekadda Boosaaso ayaa muddo dib u dhacday, waxaana heshiiska madaxweyne C/weli Gaas la galay shirkadda Imaaraadka oo intiisa badan ah qarsoodi ka hor yimid inta badan waxgradka Gobolka Bari.    

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE