Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray madaxda maamul goboleedyada

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxda maamul goboleedyada ee shirka ku yeeshay Kismaayo ugu baaqay in ay muujiyaan midnimada iyo wadashaqeynta ku dhisan maslaxada ummada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa careen ka muujiyay shirka madaxda maamul goboleedyada iyo war murtiyeedka ay kasoo saareen Kismaayo, isagoona sheegay in si dhow uu ula socdo.

Madaxweynaha ayaa  hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliil iyo dal-daloollo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo is-qancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE