DAAWO: Kheyre oo digniin culus u diray madaxda maamul goboleedyada

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si adag oo horay aan loo arkin ula hadlay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku shiray magaalada Kismayo, isagoona sheegay in haddii ay arki jireen madax buuq siyaasadeed lagu furo albaabka xiran jiray in hadda aysan aheyn madaxdii ay arkeen ee albaabka xiran jiray ee niyad jabi jiray.

“….Waxaan lee yahay dadka Soomaaliyeed haddaad horey u arki jirteen in madaxdu niyad jabto, madaxda idin hortaagan maaha kuwii niyad jebi jirey…….”

Haday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan maalmaa la qeyqeylinayo ama buuq siyaasadeed baa dhacaya sidaa daraadeed madaxda qolkeedii bay ku laabanaysa, waxaan idiin ballan qaadaya in aan idinla mari doono illaa meesha u danbeysa aan tegi doono, buuqa siyaasadeed ee jira maaha mid aan albaabka soo xiraneyno, ee dadka Soomaaliyeed waa la soconeynaa ilaa dhamaadka”

Hadalkaan ayuu RW Kheyre ka jeediyay munaasabadii xalay ka dhacday Muqdisho ee lagu xusayay maalinta calanka.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE