SAWIRRO: Dhimashada dabka California oo korortay iyo dad la la’yahay

In kabadan 150 ruux ayaa la la’yahay ka dib markii uu dab burburiyay Waqooyiga gobolka California ee dalka Maraykanka, sid ay booliisku sheegeen.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, in kabadan 1,500 oo gurina way ku burbureen dab kacay Axaddii.

Sagaal ka mid ah dadka geeriyooday waxay ku dhinteen deegaanka Sonoma

Magaalooyinka uu dabku aadka u saameeyay waxaa ka mid ah Santa Rosa oo ku taalla waqooyiga magaalada San Francisco, halkaas oo dabku uu dhulka la simay.

Booliiska deegaanka Sonoma ayaa sheegay in aan ilaa iyo hadda meelna lagu ogayn 155 ruux, inkastoo laga yaabo in arrintaasi ay sabab u tahay qaskii ka jiray daad gurayntii la sameeyay.

  

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE