SAWIRRO: Laacibkii hore ee Afrika oo u tartamaya kursiga madaxtinimada Liberia

Ciyaaryahan hore George Weah ayaa ka mid ah murcshaxiinta ugu xoogan ee u tartamaya kursiga madaxweynenimada dalka Liberia oo maanta loo dareeray.

2.1 milyan oo qof oo u diiwaan gashan inay codeeyaan, ayaa dooran doona madaxweynaha beddelaya Ellen John Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Africa.

Sirleaf ayaa xukunka ka dageysa kadib markii ay dhameysatay laba waqti oo min lix sano ah oo uu dastuurka dalkaas u ogolaanayo.

20-ka musharax ee ku loolamaya inay beddelan Sirleaf ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkeeda Joseph Bokai, xiddigii hore ee kubadda cagta George Weah, hoggaamiyaha mucaaradka Charles Brumskine, iyo madaxii hore ee fulinta shirkadda Coca Cola Alexander Cummings.

Kaliya hal haween ayaa u sharaxan madaxweyne, halka haweeney kale oo lagu magacaabo Jewel Howard Taylor, ay ku-xigeen ahaan ula ordeyso George Weah oo ka mid ah murashaxiinta haysta taageerada shacab badan.

George Weah ayaa sanadkii 2000 ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 1995 xiligaasi oo uu u ciyaarayay kooxda AC Milan, waana ciyaaryahanka kaliya ee Afrikaan ah oo abaal marintaasi la siiyo.

Taylor waa xaaskii hore ee madaxweynihii hore ee dalkaas iyo dagaal ooge Charles Taylor, oo lagu helay dambiyo dagaal oo ku saabsan inuu ku lahaa dagaalkii Sierre Leone.

Haddii musharaxna uusan ku guuleysan 50% codadka, sida la filayo, labada musharax ee ugu codadka badan, ayaa doorasho kala bax ah ku loolami doona bisha November.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE