Maamul goboleedyadu waa Maxmiyad shisheeye!

Maamul goboleydyadu ayaa jilaaya habab u muuqda, sidii iyagoo yihiin oo kale “Muumulo Gooni-istaag ah”, sida maamulka “Somaliland” oo kale ama si kale haddii loo dhigo lagu tilmaami karo “Maxmiyaad” shisheeyo hoos taga kana madaxbannaan dowladda dhexe JFS.

Waxay hadda si isku haleyn shisheeya ah la soo fagaare tageen inay kor ugu dhawaaqaan, arrimaha khaliijka, iyagoo sheegtay in ay la barbar-safan yihiin xulifada Sacuudiga hoggaamiyo.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo

Muddo qiyaastii bil laga joogo dhawaaqa arrinkaas oo kale, waxaa laga maqlay Mudane Dr Abdiweli Gaas, isagoo sheeganayaa in uu xulifada Sacuudiga ku taageersan khilaafka iyo loolanka kala dhaxeeya dowadda Qatar, isagoo islamarkaana kula talinaaya dowladda federaalka inay iska dayso mowqifkeeda dhexdhexaadnimada ah, dhegahana u furto mowqifka Puntland oo ah mid ku taagan metelaadda danaha Puntland iyo midda Somalia, intaba.

Hadda arrintaas, wax la mid ah waxay ka soo yeertay maamulka tacbaanka ah ee Koofur Galbeed oo badi dadkeeda maatida ah qax ku yihiin Gobalka Banaadir, abaarihii kadib.

Madaxweynah maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas

Somaliland iyadu wayba sii xad-dhaaftay. Maamulka Siilaanyo, ayaa si lala yaabay waxay u sheegeen inayba cilaaqaadkii dibloomaasiyadeed u jareen dowladda Qatar.

Jubbaland oo maamulkeeda aan dhaafsiisnayn Kismasyo ayaa jiritaankeeda waxaa damaanad ka ah dowladda Kenya oo u isticmaasha aag “Buffer Zone ah” oo ay dalkeeda ka difaaceyso ayaa la filayaa inay iyadana tixgeliso xiriirka Iimaaraadka.

Shaki la’aan waxay arrimahaas daah rog u yihiin, in Dowladda Dhexe ee Federaalka, awood ahaan aanay ahayn mid hubaal ah, shisheeyuhuna la heysto mindida daabkeeda, haddii la doonana, iyada oo la adeegsanaayo qabqablayaasha maamulada laga horimaan karo go’aannadeeda masiiriga ah iyo xitaa madaxbannaanideeda siyaasadeed intaba .

Ku tumashada sharciga iyo xadgudubka lagu haayo awoodaha dastuuriga ee dowladda dhexe ayaa ah kuwo aan  lagu la xisaatami karin maamulada beelaha.

Dastuurka KMG qodobkiisa 54 ayaa si cad u qeexaya awoodaha dowladda dhexe, hase ahaatee, Puntland ayaa xilgii Mudane Faroole, horay u sheegatay inaysan aqoonsan doonin dastuurka KMG iyo sharci kasta, haddii ay ka hor imaanaayaan dastuurka Puntland.

Axmed Madoobe- Madaxweynaha Jubbaland

Inta badan arrimahaan oo kale, waxaa la arki jiray badi inay yihiin go’aamo si shaqsi ah u qaataan horjoogayaasha maamulada, iyada oo xubnaha kale ee kooxahooda la shaqeeya aan la ogeyn. Waxaa badi dhacda in la isku naqdiyo, sida Dr. Gaas ku dhacday oo kale. Shariif Hassan, ayaa isna sida rajadu tahay mari doono waddadaas naqdiga iyo ka horimaanshiyaha oo haddaba la soo werinaayo in ay durbaba bilaabeen xubno ka tirsan maamulkiisa.

Waxaa mar kasta lagu yiqiin mas’uuliyiinta Puntland in ay ka horyimaadan go’aamada dowladda dhexe iyo waxyaabaha muhimka u ah danaha qaranka, xag maamul siyaaso, dhaqaale, amini iyo difaacaba ayaa haddana waxaa la isweydiinayaa maxaa kalifay Maamulka Koofur Galbeed oo xiiriir heerkas ah oo la og yahay kala dhaxayn Puntland.

Jawaabta way caddahay? Faragelintii Ethiopia oo si muuqata u jirta ayaa waxaa ku soo darsoomay tii Iimaaraadka Carabta ee Midoobay, “UAE”.

Madaxweynaha Koonfur Gabled, Sharif Xasan

Soomaaliyana waxaa ka jira hardan ay wadaan mas’uuliyiinta maamulada qabaa’ilka. Waxay dabada ka riixayaan in maslaxadda shisheeyaha la siiyo mudnaanta ugu muhiimsan, xitaa loo jebin karo sharci iyo siyaasad kasta oo ka turjimaya danaha masiiriga ah ee dalka iyo dadka.

Federalism-ka, halbeeggana loogu dhigay maamulka siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo danaha Ethiopia ka shiidaal qaata.

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka, ayaa Dr. Abdiweli Gaas dhaafsiin waayay micno ahaan “Ethiopia ayaa ku barwaaqowday, bal fiiriya Jig-jiga sideey durba u barwaaqowday”.  Laakin ma sheegin in Maamul Deegaamada Ummadaha Ethiopia inay ka horimaan karin awaamiirta iyo go’aamada Dowladdooda dhexe Addis Ababa rugta u ah.

Waxaa iska cad maamul goboleeyadu inay yihiin maxmiyaad ay leeyihiin deriska, ujeeddaduna tahay in Somalia dal ahaan qaybsanaato, ayna qaran ahaana halka ay maanta taal ka kicin, maslaxadeeduna noqoto mid hoos tagta shisheeyaha iyo deriska, islamarkaana aan laga madaxbannaan farageintooda cadowtinimada ah.

Gebogebo. Soomalidu waxay tiraahdaa, “Qori iyo qiiqiisaba waa la isla tuuraa”. Federaalka iyo maxmiyadnimada ay la timid, waa in ay Soomaali iska diiddaa, ku midowdaa hal dal iyo hal maamul ee leh nidaam dowladeed casri ah. La qaato go’aan taariikhi ah, kuna saleysan wada tashi ummaadeed ee dalkeena karaamadiisa badbaado u ah, iyadoo dib loo soo celinaayo awoodahiisa dowladeed.

Faallada Warfaafiye

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE