Warrarka baarlamaanka iyo dooda xildhibaanada ee arrinta Qalbi Dhagax

Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa furmay, iyadoo la guda galay ajandaha kulanka oo ah ka doodista qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Kulankan ayaa ku furmay jawi wanaagsan, waxaana shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Illaa 157 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka oo markii hore ku furmay, waxaa laga yaabaa inay intaas ka sii bataan, sida howl wadeenada Baarlamaanka ay sheegayaan.

Dooda Xildhibaanada ayaa durba bilaabatay, iyadoo ay is qoreen Xildhibaano fara badan, si ay kiiskan uga doodaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeerayo.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.

Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro.

Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay illaa 15 Hindise sharciyeed oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa laga hormaray ajandaha ka doodista arrinta Qalbi Dhagax.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE