Abuu Mansuur oo ku wajahan Baydhabo iyo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay ka socota magaalada Baydhabo, waxaana qorshuhu yahay in maanta ilaa beri uu Abuu Mansuur gaaro Baydhabo.

Guud ahaan amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la sheegay ujeedada socdaalka Abuu Mansuur ay tahay inuu halkaasi kula kulmi doono maamilka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Bay iyo Bakool.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay in marka uu tago Baydhabo uu uga sii gudbi doono degmada Xudur ee Gobolka Bakool iyo deegaanka uu ka soo jeedo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa shalay kaga sii horeeyay magaalada Baydhabo, iyadoo maanta lagu wado inuu magaalada gaaro Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Wada hadalada u socday Mukhtaar Roobow iyo dowladda Federaalka ayaa wali wax heshiis ah laga gaarin, inkastoo warar horu dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in is faham uu jiro oo ku saabsan sidii Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Federaalka ugu taageeri lahaayeen dagaalka uu la galayo Al-Shabaab.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagihii madaxiisa dul-saarneyd, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Wadaadka uu wajahayay culeysyo uga imaanayay Al-Shabaab oo markii dambe weerar ku soo qaaday deegaankii uu ku noolaa afartii sano ee u dambeysay.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE