Waayo ceynkee ah Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somalia soo martay, 1960kii ilaa hadda

Siyaaasadda arrimaha dibada Somalia, waxay soo maray marxalado kala duwan iyo xiliyo danaha Soomaaliyeed loo baahday in lagula macaamilo dunida inteeda kale. Somalia waxay xubno ka tahay ururo kala duwan sida Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, dowladdaha siyaasadooda dhexdhexaadka tahay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo dowladdaha Iskaashiga Islaamka.

Marka laga reebo Jimciyadda Qurumaha Ka dhaxeysa iyo mida Jaamacadda Carabta, ururada kale Somalia, waxay ka tahay xubin aas-aase ah. Taariikhda Somalia waxay si cad u qeexeysaa hoggaamintii Siyaasadda arrimaha dibada ee Somalia ee ugu taariikhda fiican waxaa soo hoggaamiyay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, sanadihii 1960-64, Mudane Cumar Carte Qaalib 1969-75, Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Aadan 2012-14.

Seddaxdaba waxay ku sifoobeen inay ahaayeen hoggaamiyeyaal siyaasadeed ee taariikh mug leh ka galay Qaranka Soomaaliyeed mudadii madaxda ka ahaayeen xiriirada caalamiga oo ay ku dhisan tahay howlaha diblumaasiyada Soomaaliyeed.

C/llaahi Ciise Maxamuud

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud oo ahaan jiray siyaasi rug cadaa ah, soona hoggaamiyay dowladdii daaqkhiliyada 1956-60-kii, wuxuu ku guuleystay mudadiisa, in Somalia ka mid noqoto beesha caalamka, kana noqoto xubin firfircoon. Wuxuu u hoggaamiyay Jamhuuriyaddii curdunka aheyd in cilaaqaad degan ee siyaasadeed la yeelato dowladdo kala duwan, gaar ahaan quwadihii ka dhaxeeyay dagaalkii qaboowaa, Africka, Asia iyo gaar ahaan kuwa mandaqada bariga dhexe.

Siyaasaddii arrimaha dibada Somalia ee xiligaas, waxaa loolan adag kula jireen dowladdaha deriska ah marka laga eego dhinacyada amniga, difaaca iyo arrimaha siyaasadda, waxayna ahaayeen arrimo si khaas ah u  khuseeyaan danaha iyo qaddiyadaha dhulalka Somalida, qeybo ka mid ah oo Ingiriisku hoos dhigay dowladdahaasi xiliyo kala duwan, halka dowladda Somalia siyaasadeeda dibada ku dhisneyd in su’aalahaas lagu xaliyo qaab nabadeed, hase ahaatee boqortooyadii Itoobiya iyo Kenyaba ay u arkayeen siyaasadda Somalia inay tahay shar ayaga liddi ku ah.

Diblumaasiyada waagaa jirtay, waxay ahaayeen,  mid ay raali ka yihiin dowladdihii xubnaha ka ahaa Golaha dowladaha Iskaashiga Islaamka, kuwa dhexdhexaadka iyo qaar kale oo Afrika ka mid ah, gaar ahaan dowladdaha Waqooyiga Afrika.

Mudane C/llaahi Ciise wuxuu kaloo ku guuleystay in horumariyo xiriirkii lala lahaa Talyaaniga oo Koonfurta Somalia gumeysan jiray la sameeyo cilaakhaad si siman labada dal ugu faa’iideysanayaan, halka xiriirka France iyo UK ay ahaayeen kuwo hooseeya. Dowladdii Talyaaniga waxay Somalia u ahayd kafiil marka la fiiriyo xiiriika Suuqii dhaqaalaha Europe (EEC).

Xiriirkii Talyaaniga wuxuu ku dhisnaa in dowladda Somalia laga kabo xagga miisaaniyada, deeqaha waxbarashada, wax-soo-saarka beeraha, gaar ahaan maalgashiga, ganacsiga iyo suuqgeynta mooska iyo in la dhowro danaha jaaliyadda Talyaaniga ee ku nool Somalia.

Waxaa dhinaca kale xiriir fiican lala furay dowladihii reer Bariga, Midowgii Soofiyeeti iyo Dowladda Shiinaha shuuciga ah..

Somalia waxay qaadacday inaysan saxiixin Charter-kii African Union lagu aasaasay sanadkii 1964-kii lagu guddoonsaday magaalada Qaahira, iyadoo sanadkii ka horeeyayna Maajo 23, 1963kii lagu sameeyay magaalada Addis Ababa Ururka OAU, sababtuna waxay aheyd is-waafaq la’aan kas jirtay charter-kii iyo qaddiyadii Soomaaliyeed.

Charter-ka waxaa lagu qeexay dowladdaha xubnaha ka ah OAU ay ogolaadeen xuduudaha dowladaha Afrika ee mdaxbannaadida siyaasadeed qaatay inay noqdaan sidii isticmaarka ugu tegay, halka qadiyada Soomaaliyeedna marka la micneeyo aan ka ahayn arrimo xuduudeed balse ay tahay dhul ugu maqan dowladdaha deriska, isticmaarkuna hoos dhigay iyo in xorriyad taam ah la siiyo xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysto “Jabuuti”.

1967-69-kii waxaa dhibaato weyn soo gaartay siyaasaddii arrimaha dibada Somalia, 1964-67 waxaa wasiir ka noqday Axmed Yuusuf Ducaale oo dhulka la galay firfircoonidii ay ku bilaabatay siyaasaddii arrimaha dibada Somalia.Wasiirkaas hoggaankiisa wasaarada waxay kusoo beegantay xili ay Somalia u ololeyneysay in Faransiiska xorriyad siiyo Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti.

Waqtigaas diblumaasiyada Soomaaliyeed iyo ololaha xoreynta waxaa ka dhex muuqdeen diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo aad u firfircoon sida Mudane, C/raxmaan Caabi Faarax oo ahaa wakiilkii joogtada Somalia ee Ummadaha midoobay, Mudane, Cumar Carte Qaalib safiirkii Somalia ee Addis Ababa iyo Mudane Maxamed Gacaliye oo ahaa safiirkii Somalia ee Faransa fadhiyay, hase ahaatee wasiirkii wuxuu ku fashilmay qaddiyadii ku saabsaneyd Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti iyo isagoo xiriir wacan aan la laheyn dhaqdhaqaaqyadii halgankii matalayay shacbiga Jabuuti ee xornimo doonka.

Wasiir Ducaale, wuxuu xiriir hoose la lahaa safaaraddii Faransiiska ee Xamar isagoo ka ahayd inuu iibsado qaddiyada. Waxaa markii dambe lagu helay dambi qiyaamo qaran, waxaa laga xayuubiyay xilkii, waxaana lasoo taagay maxkamad cadli ah,  isagoo lagu xukumay dambi qiyaano qaran iyo 24 sano oo xarig xabsi ku hayn ah.

Cumar Carte Qaalib

1967-69 siyaasaddii arrimaha dibada waxay noqotay fadhiid, waxaana wasaaradda arrimaha dibada wasiir u ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdaas mudane Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaana lagu eedeeyay dowladdii Cigaal inay Kenya u ogolaatay NFD in ay ka mid tahay dalka Kenya, kadib heshiiskii labada dowladood Somalia iyo Kenya lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, waxaana dib loo soo celiyay cilaaqaadkii Ingiriiska ee  la jaray1963-kii, kadib markii Ingiriisku qiyaameeyay aftidii shacbiga NFD ay ugu mid noqon lahaayd Somaliweyn.

Kacaankii markuu dhashay iyo taladii xukunka milateriga waxaa isbadal hor leh ku yimid siyaasaddii arrimaha dibada ee Somalia. Mundane Cumar Carte Qaalib ayaa wasiir ka noqday wasaaradda arrimaha dibada ee Somalia, isagoo aqoon durugsan u leh kana soo shaqeeyay wasaaraddaas ilaa uu ka gaaray xil safiirnimo, waxaana lagu yaqiinay inuu yahay halgame wadani ah iyo halyeey Soomaaliyeed ee arrimaha diblumaasiyada, dunidana ka iibiyo qaddiyadaha Soomaaliyeed.

Xilka wasaaradaas mudadii uu haayay Mudane Carte, Somalia waxay noqotay dalka ugu muhiimsan ee Afrika iyo umaddaha Carbeed cilaaqaadkeeda si wacan oo firfircoonugu dhex muuqda.

Somalia waxay cod iyo hoggaan u noqotay halgankii dhaqdhaqaaqii xorriyadda Afrika. Mudadii Cumar Carte Somalia waxay kaalmo weyn ka geysatay xorriyadii ay heleen dalalkii Mozambique, Angola, São Tomé and Príncipe, Guinea-Bissau, Cape Verde, Zimbabwe iyo kuwo kale. Sidoo kale, waxaa la xoojiyay xiriirkii lala lahaa jabhadii SWAPO Party ee Namibia.

Sida si la mid ah mudadii Cumar Carte waxaa xoogoobay cilaaqaadka siyaasadeed, dhaqan iyo taariikh lala lahaa dowladdaha Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka, iyo doorka qaddiyadda shacbiga reer Falastiin,  taasoo keentay 1974-kii in Somalia xubin ka noqoto Jaamacaddaha dowladdaha Carbeed.

Cumar Carte wuxuu heybad iyo magac ku lahaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Afrika iyo kuwa Carbeed labadaba, xiliyada qaarkood fagaarayaasha Afrika wuxuu kaga magac weynaa madax kala duwan ee Afrika, gaar ahaan kii Somalia, taasoo keentay Jaalle Siyaad inuu markii dambe uu xilkii ka qaado mudane Cumar Carte Qaalib, si uusan u noqon hoggaamiye ka magac fiican kiisa, marka la qiimeeyo shacbiyadda uu yeeshay.

C/raxmaan Buluqbuluq

1976-90-kii Siyaasadda arrimaha dibada Somalia waxaa hareeyay daruuro mugdi ah, gudcur iyo masiibo siyaasadeed. Kadib markii xilka uu la wareegay C/raxmaan Buluqbuluq, siyaasaddii arrimaha dibada waxay ku dhex curyaantay dagaalkii lala galay Ethiopia, iyadoo dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Barigaba ay iskaaga mid noqdeen in la cambaareeyo duulaankii Somalia ay ku qaatay dalka Ethiopia, taasoo lagu tilmaamay dagaal gardaro ah, xadgudub ah ee loo geystay qaranimada dal madaxbannaan.

Markii Somalia military iyo shiyaasad ahaan ay  ku soo jabtay hajuumkii Ethiopia lagu qaaday, waxaa hoos u dhacay, xiriiradii iyo iskaashigii lala lahaa dowladdaha iyo deeq-bixiyeyasha caalamiga ah. Siyaasadda arrimaha dibadana waxay gashay jiho aan la saadaalin karin iyo marmalade mugdi ah.  Waxaa istaagay dhamaan kaalmadii caalamiga ah, dowladdaha reer galbeedkana qaarkood waxay hoos u dhigeen heerarkii safaaradahooda ka joogay Somalia. Midawga Siyeeti iyo dowladihii shuuciyiinta ah, marka laga reebo China, waxay u wareegeen in xoojiyaan shuuciyaddii ka dhalatay Ethiopia ee uu hoggaaminaayay Mingistu Haile Mariam.

 XIligii burburka, Somalia kama dhalan dowlad waxtar leh, markeey dhacday dowladdii dhexe ee Diktirooriyadda Siad Barre,  qarankii Soomaaliyeed waxaa adduunka uu u aqoonsaday dal guuldareystay oo ka maqan saaxadda adduunka. Dagaaladdii sokeeye iyo loolanka siyaasadda qabiilka ah, waxay wejiga Somalia ku asteeyeen taariikh fool xun iyo xaalad dowlad la’aaneed, “State of Anarchy”.

Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan

Faragelin shisheeye, gaar ahaan dowladdaha deriska iyo jabhado Islaami ah ayaa waxay noqdeen kuwo ku dul habsada aayaha Soomaaliyeed, waxayna u horseedeen marxalado rajo beel ah, gaar ahaan marka la qiimeeyo lagu tilmaami karo, heerkii ugu hooseyay oo ay gasho dal madax-bannaan ee soo wajahday guuldaro taariikhi.

2012-kii Somalia waxaa ka sameysmay dowlad rasmi ah ee dunida laga aqoonsan yahay, waxaa dib usoo noqday taariikhdii iyo noloshii siyaasaddii arrimaha dibada Somalia, kadib markii hoggaankeeda loo dhiibay Marwo Fawzia Yusuf Xaaji Aadan.

Waxay ku dadaashay inay dib u habeyso siyaasaddii arrimaha dibada, maamulkii Wasaaradda iyo doorka diblumaasiyadeed ee dowladdeeda cusub. Marwo Fawzia waxay u xilsaartay xeerarka dhismaha iyo nidaamka siyaasadda arrimaha dibada ku dhisan tahay danjireyaal iyo rug cadayaal wasaaradda mud do fog kasoo shaqeeyay. Waxay halgan u gashay in ay fagaareyaasha caalamiga ah gaar ahaan ummadaha midoobay, Afrika iyo wadamada Carbeed ay ka iibiso Somalia inay tahay dal madaxbannaan, qaranimadeedana la dhowro, iyadoo lagu xadgudbeyn xuduudaha dhulkeeda hawada iyo badaheeda.

Waxay ka hortagtay saameyn badan ee faragelin shisheeyaah  oo jiri jiray mudadii burburka iyo xiliyadii KMG. Muddadii xilguashada ku jirtay Marwa Fawzia Yusuf waxaa dabcan wajaheysay caqabado badan iyo dhibaatooyin xagga shaqadeeda ah, hase ahaatee ugu gudubay aqoon, waayo aragnimo, hufanaan, wadaniyad iyo hal adeeg.

Fowzia, waxay astaan u noqotay in haweenku noqon karaan xoog looga faa’ideysan karo hoggaanka siyaaseed iyo qaybaha kale ee aasaaska u ah nolosha iyo hoggaaminta qaranka. Waxay dibloomaasiyadda Somalia u noqotay shuclad iyo iftiin kheyr u leh Somalia inay ka gudbi karto xiliyadii khatata ah ay ku nuganayd in muddo ah.

Yusuf Garaad

Markii ay xilka baneysay, halka ay kaga tagtay wasaaradda arrimaha dibada ee Somalia ma jirin cid ka daba qaatay oo horumar sameysay, waxaana la waayay awood hoggaamisa wasaaradda arrimaha dibada Somalia, hase ahaatee hadda su’aasha hoggaaminta wasaaradda arrimaha dibada waxay hortaal xili Yusuf Garaad Cumar ku magacaaban yahay wasiirka arrimaha dibada.

Yusuf waxaa lagu yaqiin qalinka iyo mikrofoonka, hase ahaatee xilka xerishada iyo qaadashada labiska diblumaasiyada ayaa Yuusuf Garaad looga fadhiyaa siduu waajibkeeda u godan lahaa, wuxuu huwan yahay magac Soomaaliyeed, hase ahaatee loo baahan yahay inuu kasii wado burhaantii iyo horumarkii walaashiis Fawzia Yusuf gaarsiisay Siyaasadda arrimaha dibadda iyo hoggaaminta dibloomaasiyadda Somalia.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE