Waayo ceynkee ah ayuu C/raxmaan Buluqbuluq soo maray?

C/raxmaan Jaamac Barre allaha u naxariisto, waxaa qiyaastii 1942-kii baadiyaha agagaarka Wardheer ee Shiilaabo ee hadda ka tirsan dalka Itoobiya ka keenay isagoo aan qaangaar aheyn Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Siyaad iyo C/raxmaan Jaamac Barre waa labo nin oo ilmo adeer ah, haddane C/rxaxmaan Jaamac Barre aabihii dumaal ahaan u qabay Jaalle Siyaad hooyadiis.

Maxamed Siyaad wuxuu ahaay madi, sababtuu C/raxmaan usoo kaxeystayna waxay aheyd inuu ka dhigto walaal wiil ah oo la mid ah kii aabihii iyo hooyadii dhalay.

C/raxmaan wuxuu ku barbaaray Xamar, xiligaas waxay Somalia ku hoos jirtay gumeysigii Ingiriiska oo sanad ka hor gumeysigii majiistaha Talyaaniga ka qabsaday.

Siyaad Barre wuxuu markaas ahaa askari mar labaad u shaqeynayay gumeysigii Ingiriiska markii laga soo tag tii Fajiistada. C/raxmaan ma helin fursad fiican oo waxbarasho, hase ahaatee wuxuu Siyaad Barre ka helay kolkoolin iyo barbaarin fiican. C/raxmaan waa markii danbe la geeyay dugsi tababar oo booliska ah, kadibna wuxuu noqday Taarwale u shaqeeya askarta Ingiriiska, wuxuuna gacan yare u ahaan jiray C/risaaq Xaaji Xuseen.

C/raxmaan Jaamac Barre “Bulubuluq”

Talyaaniga markuu soo noqday 1950-kii, C/raxmaan wuxuu helay fursad waxbarasho hoose, kadibna wuxuu noqday Macallin iskuulada Xamar wax ka dhiga. C/raxmaan Jaamac 1958-kii kadib waxaa loo diray dalka Switzerland mudo labo sano ah, kadibna markuu dalka kusoo noqday waxaa laga dhigay maamule kuxigeen Iskuul.

Waqtigaas Soomaalidii jirtay waxay u yaqiineen C/raxmaan Proffasore, sababtoo ah jeebabkiisa kore wuxuu ku sidan jiray qalimaan badan oo kala duwan iyo isagoo isticmaali jiray ookiyaale u eg kuwa akhriska oo bug ah. Macallimiintii hore waxay ku maadeysan jireen hab socodkiisa iyo sidii uu isku jooqeyn jiray.

Allaha u naxariistee wuxuu waqtiyadaas ahaay qof gooni u socod oo bulsho ahaan yareyd xiriirkii uu la lahaa macallimiintii ay wada shaqeyn jireen. gaar isku yeelid iyo dhaqamo aan la jecleysan ayuu kula macaamuli jiray ardayda iyo macallimiintii uu la shaqeyn jiray, gaar ahaan xagga haweenka.

Sidoo kale, macallimiinta waxay u yaqiineen marka la xamanaayo “galti macruufkii magaalada”. Waxyaabaha yaabka leh ee C/raxmaan noloshiisa kusoo qaatay waxaa ka mid aheyd isagoo weligiis ka maarmin gacan ku heyntii Jaalle Siyaad, haddane isagoo mushaar qaata ayuu ku hoos noolaa gurigii Jaalle Siyaad.

Istiqlaalkii 1960-kii kadib, Maxamed Siyaad Barre wuxuu u qalqaaliyay in loo diro wadanka Talyaaniga waxbarasho ku saabsan “SCENZA POLITICA”, wuxuuna kusoo qaatay mudo labo sano ah magaalada Badove, mudadii uu halkaas wax ku baranayay waxaa gacan weyn siin jiray allaha u naxariistee Maxamuud Jaamac Juge marna qaraabo hoose ahaayeen iskuna fasal ahaa.

Markii uu C/raxmaan Jaamac Barre wadanka kusoo noqday, Maxamed Siyaad Barre oo ahaa qof ka recomanadation badan, caanna ku ahaa hoos cararka madaxdii waagaas ee dowladda, wuxuu ka dhaadhiciyay C/llaahi Ciise oo wasiirkii arrimaha dibada ahaa iyo agaasimiyaashiisii kale sida Nikoliimo Maxamed iyo Axmed Shire Lawaaxo in C/raxmaan lagu shaqaaleeyo wasaaraddii arrimaha dibada ee Somalia.

Labada agaasime way is hortaageen codsigii Col. Maxamed Siyaad Barre, haddane C/llaahi Ciise ayaa markii danbe ka ogolaaday, saas ayuuna C/raxmaan 1964-kii ugu mid noqday shaqaalihii wasaaradda arrimaha dibada, hase ahaatee xil muhiim ah kama uusan qaban, waxaana lagu meeleeyay qeybtii shaqaalaha. Bishii Maarso C/raxmaan wuxuu magaalada Baardheere isku soo sharxay kuna soo guuldareystay inuu noqdo xil mudane baarlamaan.

Isbadalkii Somalia ka dhacay 1969-kii markii xukunka la wareegeen ciidanka milateriga ayaa waxaa Somalia ku habsaday masiibo siyaasadeed iyo mid hoggaamineed ee abed soo mara wadan curdun ah.

Maxamed Siyaad Barre ayaa madax u noqday saraakiishii sida sharci darada xukunka ula wareegay, waxaana lagu tilmaamay xukun kacaan ah oo wadanka isbadal u horseedi doona, hase ahaatee aan noqon.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Somalia wuxuu ka mid noqday hay’addihii ugu masuqmaasuqa badnaa, qabyaaladana qurumeysatay. Jaalle Siyaad waxaa u suuragashay inuu mudo shan sano ah walaalkii C/raxmaan ku haayo xilka agaasimihii guud ee wasaaraddaas oo aheyd xil aan u qalmin.

Kadib 1977-kii C/raxmaan waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada xili Somalia ay ku jirtay dagaalkii Itoobiya, magacaabista C/raxmaan Jaamac Barre ee xilkaas wasiirnimo wuxuu daaha u rogay Somalia inay ka curuday xukun diktatooriyad ah ee caa’ilnimo ku dhisan. Dunidii Somalia gargaarka siin jirtay magacaabistaas darteed waxay jareen kaalmadii ay Somalia siin jireen, waxayna saareen cadaadis iyo go’doon siyaasadeed oo caalami ah.

1978-kii, jabkii Somalia kasoo gaaray dagaalkii Itoobiya waxaa loo jaray xiriirkii xoogga badnaa ee lala lahaa Midowgii Sofiyeeti iyo bahdii Shuuciyada adduunka. Xili dunida ay ku jirtay dagaalkii qaboowaa. Waxaa burburay diblumaasiyadii iyo xiriirkii caalamiga ee Somalia. wasaaradda arrimaha dibada gudaheedana waxaa ka socday hardan iyo shaqo ka saaris oo aan loo meel dayin diblumaasiyiin iyo shaqaale rug-caddaa ah oo ay kasoo jeedeen beelo aan kacaanka la dhacsaneyn, iyadoo lagu badalayay beelo kale oo loo dan lahaa in Maxamed Siyaad Barre looga helo awood lagu difaaco xukunkiisa.

C/raxmaan Jaamac Barre baddaas ayuu si fiican ugu dhex dabaashay, wuxuuna ka mid noqday astaamihii sida fircoon ugu qeyb qaatay qaran dumintii.

C/raxmaan wuxuu mudo 13 sano ah wasiir arrimo dibadeed u ahaa dal guuldareystay, jab weyna kasoo gaaray dagaalkii lala galay Itoobiya. doorkii Somalia ku laheyd fagaareyaasha caalamiga gaar ahaan xiriirkii lala lahaan jiray dowladdaha reer bariga ee Somalia baneysay waxaa buuxisay dowladda Itoobiya.

Siyaasadda arrimaha dibadda Somalia waxay kaloo ku dhex fashilantay dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan 1980 ilaa 1988-kii.

Allaha u naxariisto C/raxmaan markii danbe waxaa loo dalaciyay inuu noqdo ra’iisul wasaare kuxigeen iyo wasiirka maaliyadda, halkaasoo ka gasbaday magacii quruxda badnaa ee Soomaalida ul bixisay Kadare. Xilkii wasaaradda arrimaha dibadana waxaa loo magacaabay shaqsiyaad macbil ah oo asagu watay.

Allaha u naxariistee C/raxmaan Jaamac Barre wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka lagu tilmaamo inay boobeen hantidii qaranka iyo badayna maamul xumida iyo ku takrifalka awoodeed.

Hadda, dad badan ayaa ka cabsi qaba Farmaajo inuu u sameeyo tacsi maamuus qaran ah laguna aaso wasaaradda arrimaha dibada gudaheeda, sidii si la mid ah Maxamed Cali Sumatar loo xushmeeyay aaskiisa.

Burburkii kadib ilaa geeridiisii wuxuu qaxooti ku ahaa magaalada San Diego ee gobolka California halkaasoo uu ku geeriyooday 16-ka bisha Agoosto.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE