DAAWO: Mo Farah oo looga guuleystay kaalinta koowaad ee 5,000m ooyayna

Orodyahanka reer Ingiriiska, balse kasoo jeeda Somalia ee Mo Farah ayaa tartankii ciyaaraha fudud ee London oo dhacay gelinkii danbe ee jimcaha maanta ayaa looga guuleystay kaalinta koowaad, isagoona galay kaalinta labaad.

Tartan orodka ee 5,000m ayaa waxaa kaalinta koowaad ka galay Sir Mo Farah orodyahanka u dhashay Ethiopia ee Muktar Edris, halka kaalinta sadaxaad uu diriqsaday Paul Chelimo oo Mareykanka u ordayay.

Sir Mo ayaa oohin la fadhiistay guuldarada uu ku dhameystay kaalinta labaad, isagoo markaan ku rajaweynaa inuu dhigo rikoor aan horay loo arag.

Calaamada Mobot ee lagu yaqiin marka uu galo diilinka guusha ee Sir Mo Farah ayaa waxaa mariana sameeyay Muktar Edris halka orodyahanka reer Mareykan ee kaalinta seddexaad galay uu intii aan la ordin uu sameeyay, taasoo uu ula jeeday inuu guuleysan doono.

Sir Mo ayaa noqday orodyahankii ugu horeeyay ee Britain ugu biladaha badan inta la og yahay, waxaana uu dhigay rikoorka ah biladaha 10,000, 5,000 Olympic champion oo afar jeer ah, una danbeysay jimcihii lasoo dhaafay oo uu ku guuleystay 10,000m.

  

 

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE