Taliyaha ciidanka asluubta oo qarax ka dhacay gudaha xabsiga ka badbaaday

Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof soo xirtay jaakadaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu qaarajin rabay taliyaha ciidamada asluubta S/gaas Xuseen Xasan Cismaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay iridka masjid ku dhow xabsiga dhexe oo uu taliyaha ku tukan rabay salaada jimcaha, waxaana soo abaaray qof xirnaa jaakadaha qarxa oo intii aanu gaarigii uu saarnaa taliyaha oo nooca xabadaha karin ah uu ninku isqarxiyay.

Waxaa qaraxaasi ku dhintay qofkii fuliyay iyo askari damcay inuu ninka isqarxiyay celiyo, waxaana burbur soo gaaray gaariga taliyaha uu saarnaa.

Waxaa la isweydiiyay qaabka uu ninka is-qarxiay kusoo galay gudaha xabsiga isagoo xiran jaakada, waxaana la sheegay in ninka laga garanayay gudaha xabsiga oo aysan jirin cid baaris marisay.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhex dhaco gudaha xabsiga dhexe oo amaankiisa aad loo adkeeyo, halkaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE