Magacyada mas’uuliyiinta iyo hay’adaha degan madaxtooyada ee laga saarayo

Agaasimaha madaxtooyadda Somalia, Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray in xafiisyadda dawladda ee dhex dagan madaxtooyo iyo siyaasiyiinta halkaasi daganaa inay uga guuraan muddo 14 cisho ah, taasoo ku eg 19 ka bishan, maadaama warqadda uu saxiixay 5 August.

Haddaba waa Kuwee Masuuliyiinta laga saarayo Madaxtooyo,?

Xuseen Carab Ciise: Xildhibaan ahna Raiisul Wasaare Ku Xigeenkii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xilligii Sh Shariif.

C/wahaab Ugaas Khaliif: Raiisul Wasaare Ku Xigeen Hore.

C/samad Macalin Maxamuud: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.

C/laahi Goodax Barre: Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore.

Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha Ahlusunna.

Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.

Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.

Sahro Samatar: Wasiir Hore.

Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha

Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).

Xuseen Damuumaaye: Sarkaal Sirdoon oo Ethiopia ku xiran.

Xafiisyadda la amray inay guuraan.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wasaaradda Maaliyada.

Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Xisaabiyaha Guud.

Garyaraanka Guud.

Gudiga Xuduudaha ee Baarlamaanka.

Gudiga Doorashooyinka Qaran.

Isbitaalka Imaaraadka.

Xabsiga Ciidanka Madaxtooyo.

Isha Warka: Goobjooge.com

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE