VIDEO Xildhibaan Fiqi oo taageeray in dil lagu abaal mariyo askarigii dilay Cabaas Siraaji

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ayaa si waaxi ah ugu hadlay xiisada kiiska dilkii Wasiir Cabaas Siraaji oo askarigii dilkiisa geystay lagu xukumay dil toogasho ah, balse xukunka maxkamada ciidamada ay ka dhalatay dood iyo in qaab qabiil loo difaaco askarigaasi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dadka u bisleyn nidaamka dowliga ah iyo sharciga, wuxuuna khalad weyn ku tilmaamay in go’aanka garsoorka la ixtiraami waayo, taas badalkeedna arrimo qabiil iyo caafiyad lagu hanjabo.

“Dowlado waxay leedahay garsoor iyo hay’addo sharci ah, mana savlana wasiir la dilay, jawaabteeda waa in caddaalada loo noqdaa iyo shareecada islaamka oo leh cafis iyo qisaas” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

wasiir si kedis ah ku dhintay ma sahlana.., jawaabta laga bixinayo inay cadaalad noqoto bay ahayd, waxaan aamisanahay inaan loo dhaxeyn sharciga iyo ciddii dembigaasi gashay..” ayuu yiri xildhibaanka oo dadka qabiilka ku doodayo ugu baaqay in ay joojiyana.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE