SAWIRRO: Farmaajo oo bixiyay darajadii ugu horeysay ee uu ku dalacsiiyo sarkaal

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa markii u horeeyay hal darajo dalacsiiyay Sarkaal ka tirsan Booliska, kaddib markii uu maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah ayaa waxaa ugu kuur galayay howlaha shaqo iyo xarumaha Idaacada iyo Telefishinka Qaranka ee ku hadla afka dowladda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay  madaxda warbaahinta qaranka, gaar ahaan Agaasimyaasha Radio Muqdisho, Idaacadda Codka Ciidamada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.“Waxaa ii muuqda horumar fiican iyo in aad u adkaysateen duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen, oo laga yaabo dhaqaale xumo qalab la’aan iyo tababar la’aan in aad soo gaarsiiseen meeshaan, oo ah meel wax laga wadi karo. Waan idinku hambalyeynayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Intii Madaxweynuhu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu Hal darajo dalacsiiyay Madaxa Keydka Raadiyo Muqdisho G/dhexe Abshir Xaashi Cali, kaasoo gacanta ku hayay keydka Raadiyaha tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.Madaxweynaha ayaa ku ammaanay sarkaalkan sida uu u xafiday keydka Raadiyaha dowladda oo ay yaallaan khudbadaha madaxdii hore, suugaanta iyo barnaamijyo astaamo u ah qaranimada Soomaaliya.

Waa dalacaadii u horeysay ee uu sameeyo Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii February ee sanadkan.  

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE