Qatar oo 80 dal u fasaxday inay dalkeeda Visa la’aan ku tegi karaan: Akhri Liiska

Dowlada Qadar ayaa maanta ku dhawaaqday inay ilaa 80 dal oo dunida ah u  fasaxday inay fiiso la’aan ku tegi karaan dalkeeda.

Wasaaradda Dalxiiska dalka Qatar ayaa warkan baahisay maanta sida uu sheegay Xasan Al-Ibrahim, madaxa horumarinta Dalxiiska dalka Qatat.

Dalalka loo ogol yahay Visa la’aanta inay tagaan Qatar waxaa ka mida dalalka Yurub, Waqooyiga America, iyo dalalka India, Lebanon, New Zealand, South Africa, and the United States.

33 Dal dadka ka soo jeeda ayaa loo ogolaaday inay joogi karaan dalak Qatar muddo lix bilood ah, halka 47 dal oo kale loo ogol yahay inay dalkaas joogi karaan 30 maalmood oo ay cusbooneysiin karaan.

Tallaabadan ayay sheegtay dowladda Qatar in loo qaaday dhiirigelinta dalxiiska, loona fududeeyo socdaalka dunida.

HOOS KA AKHRISO LIISKA DALALKA

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE