AKHRISO: Fahad Yaasiin oo amray in dadka degan Villa Somalia ka guuraan

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin ayaa soo saaray amar ku socda wasaaraddaha dowladda iyo shaqsiyaadka degan Villa Somalia ee ka howlgala in ay ka guuraan.

Wareegto uu ku saxiixan yahay Fahad Yaasiin ayaa sabab loogu dhigay amarkaasi in xarunta madaxtooyada lagu sameynaayo dib u habeyn iyo dib u this, wuxuuna u qabtay hay’addaha degan madaxtooyada 14 maalmood gudahood in ay ugu guuraan.

Amarkaan ayaa lagu wargeliyay taliyaha iyo abaanduulaha ilaalada madaxtooyada oo iyaga u xilsaarnaan doona fulinta amarkaan marka uu dhamaado waqtiga loo qabtay.

Xarunta madaxtooyada ayaa waxaa degan wasiiro, xildhibaano iyo shaqsiyaad xilal kala duwan soo qabtay iyo kuwo u dhow madaxweynaha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay dayactir ugu sameysay xarunta madaxtooyada xiligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo go’aankaan aan la ogeyn inuu yahay mid arrimo kale laga leeyahay iyo in kale.

 

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE