DAAWO: Wiil ka yimid Mareykanka oo dariiqyada Hargeysa ku iibiya Shaah

Wiil heer jaamacadeed ka gaaray waxbarashada isla markaana magaalada Minnesota ku haystay shaqo wanaag ayaa shaqo cajiib ah oo soo jiidatay indhaha shacabka ka bilaabay magaalada Hargeysa, isagoo wadooyinka ku wareejiya shaah.

Xuseen Ibrahim Gulled oo sheegay inuu kasoo shaqeeyay ka hor intik uusan kasoo tegay Minnesota shirkadda ceymiska ObamaCare ee Trump uu laalay, wuxuuna tilmaamay in uu shaqadaasi ka doorbiday inuu dalkiisa kusoo laabto oo uu 4 kun dollar uu ka heli lahaa dibada inay ugu wanaagsan tahay 5 boqol dollar oo uu ku helo Hargeysa.

Wiilkaan oo loogu yaqaan shirkaddiisa isaga ku kooban Shaaha Wareega ayaa magaalada socod ku mara, isagoona dhalinyarada aad usoo jiiday.

Wuxuu sheegay in dalka aysan ka jirin shaqo la’aan balse ay ka jirto wax cumin la’aan iyo in dhalinyarada qaarkood isku kalsooneyn, ayna doonayaan in shaqooyinka meel sare ka bilaabaan.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE