SAWIRRO: Rihanna oo indha darandar ku riday taageerayaasheeda London

Fannaanada reer Mareykan, Rihanna oo caanka ku ah xirashada dharka indha qabadka iyo soo jiidashada leh marka ay xafladaha iyo red carpet-ka taagan tahay ayaa soo jiidatay indhaha kumanaan qof oo kasoo qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada London ee dalka UK oo lagu soo bandhigayay filimka cusub ee Valerian oo RIhanna ay qeybta ka tahay.

Rihanna oo soo xiratay dhar aad u qurux badan oo garbaheeda ay bannaanaayeen ayaa indha darandar ku riday taageerayaasheeda London waxayna beentaa tiri jilayaashii kale ee dumarka ahaa oo ay ka dhex muuqatay.

Rihanna ayaa saagadii ay soo xiratay oo callorka  gaduudka ah, garbahana ka qaawaneyd, waxay soo ceejisay naasaheeda, kuwaasoo kaamirooyinka ay qabteen.

Marka laga hadlaayo fannaaniinta Mareykanka iyo kuwa Yurub, Rihanna waxay kaga duwan tahay inay soo xirato dharka indha qabadka leh ee soo jiidashada leh.


 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE