VIDEO: Hooyo farxad ka badatay oo iyadoo ilmeyneysay duco ku daldashay Kheyre

Maxaabiistii laga soo daayay xabsiyada Itoobiya, gaar ahaan magaalada Jigjiga ee dowladda federaalka soo deysay oo weli qoysaskooda lagu wareejin ayaa waxaa lagu hayaa dhismo ku yaal agagaarka garoonka diyaaraddaha, waxaana booqday ra’iisul wasaare Kheyre iyo qaar ka mid ah waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa ku jira kuwo da’dooda aad u yar tahay oo iyagoo tahriibaya la qabtay, laguna xukumay 20 sano qaarkood. Hooyo ka mid aheyd waalidiintii booqday halka lagu haayo dhalinyaradaan ayaa la ilmeysay farxad iyadoo dareenkeeda xukumi weyday, waxayna duco ku daldashay madaxda dowladda oo ka shaqeeyay soo deysmadooda.

Maxaabiistaan kusoo guryo noqday ayaa xaaladooda inta laga hubinaayo iyo caafimaadkooda ayaa waxay kusii jiri doonaan dhismahaan oo ku yaal agagaarka Afisyooni.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE