DAAWO: Nin gacmo la’aan ku dhashay oo xirfadiisa tahay harqaanle sare

Madan Lal, oo 45 sano jir ah, wuxuu ku dhashay gacmo la’aan, laakiin wuxuu bartay sida loo maareeyo noloshiisa, isagoo xirfadiisa tahay harqaanle.

Ninkaan oo ku nool magaalada Haryana ee dalka India ma helin caawinaad iyo waxbarashada asaasiga ah, wuxuuna caqabad kala kulmay yaraantiisii macalimiinta iyo maamulada waxbarasho oo u diiday inuu waxbarto, maadaama uusan laheyn labadiisa gacmo.“Waxaan ku dhashay gacmo la’aan laakiin wax dhibaato ah ma arkin, caruurnimadeydii waxaa i caawisay ayeeyadeey oo i bartay sida loo qabsado howl maalmeedka” ayuu yiri Madan Lal.

“Markii aan yard dugsi kasta oo aan tago wey ii diideen iyagoo eegayo awoodeyda iyo naafanimadeyda, macalimiintana wey diideen in ley géliyo dugsiga” ayuu yiri cuuryaankaan markii danbe go’aansaday inuu noloshiisa maareeyo.Wuxuu cuuryaankaan sheegay in markii markii 23 sano jirsaday inuu ku fikiray in uu wax qabsan karo, dadkana tusiyo inuu wax baran karo oo noloshiisa maareyn karo, haddana wuxuu ka mid yahay xirfadlayaasha dharkana tolo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE