VIDEO: Cabdi Bile Cabdi “Itoobiyaanka & Kenyaatiga orda haku tusaala qaataan Mo Farah”

Orodyahankii hore ee guusha taariikhiga usoo hoyiyay Soomaaliya, Cabdi Bile Cabdi ayaa ka hadlay waayihiisii ciyaaraha orodka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, isagoona sheegay in orodyahanada Itoobiya iyo Kenya marka Soomaaliga loo eego aysan usoo dhawaan karin.

Cable Bile ayaa tusaale usoo qaatay hibada uu alle qofka Soomaaliga ah u siiyay orodka sida Mo Farah oo rikoor aan la arag dunida ka dhigay iyo isaga naftiisa oo sanadkii 1987-kii ku guuleystay orodyahanka adduunka.

“Alle hibo ayuu inoo siiyey orodka, anigu wax Soomaali orod la hibo ah ma arag, Itoobiyaanka iyo Kenyaatiga inaba uma dhowa Soomaalida, wakhtigaygii anigaa soo arkay oo u taagnaa, hadana waynu ognahay Mo Farah waxa uu ku haayo maanta” ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE