DAAWO: Fannaaniinta Xiddiga Geeska oo soo saaray heestii ugu qiimaha badneyd

Fannaaniinta kooxda Xiddiga Geeska ee xaruntooda tahay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray heestii ugu qiimaha badneyd ee ay soo saaraan tan iyo jiritaankooda. heestaan oo ah mid ka hadleysa qiimaha afka hooyo iyo in Af-Soomaaliga uusan qolo gaar u aheyn oo umadda Soomaaliyeed kulmiyo, waxaana erayada heesta ka mid ah:-

Afkeeygoow qolo ma timid,

Qabiil iyo reer ma tihid,

Qof gaar kuu leh ma jiro,

Dadkaadaa qeybsamoo,

Qolaba qolo diidanee,

Adiga waxaa tahay af-qura.

Erayada hooriska heesta Afkeeygoow ayaa lagu muujinayaa dhamaan magaalooyinka Soomaalida, waxaana u dhigmeysaa sidaan:.

Afkeeygoow qaran jiraa tahay

Jabuuti qiimahaaga weeye

Jigjiga quruxdaada weeye

Garish qeydkaada weeye

Muqdisho qoritaada weeye

Hargeysa qaamuuskaada weeye

Boorame qalinkaada weeye

Boosaaso qiyaastaada weeye

Afkeeygow saran jiraa tahay

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE