Yusuf H Adan, waa abwaankii curiyay asalka miraha heestii, “Somaaliyeey Toosoo”.

Waqtiyo badan ayaa taariikhda Somalia laga been-sheegayay, waloow ay jireen kuwo runta u dhow. Laakiin dad muhim ah ayaa lagu qabsadaa geeridooda kadib,  doorkii ay ku lahaayeen halgamadii dalkeenna soo maray xiliyadii gumeysi la dirirka. Kaalinta hormuudka ah ee qofku ka galo taariikhada dhanka halganka gobanimadoonkii, kii bilawga tacliinta, tkhaqaafadda iyo xadaaradda, suugaanta taariikhgalka iyo xusuusta weyn ku reebtay halgankii loo soo maray istiqlaalka iyo guulihii laga gaaray, intaba.

War kooban, Hadda iyo mar dhow ayay soo baxday in AUN Yusuf Haaji Adan Elmi lagu qabsado geeradiisa kadib, curinta mirihii iyo heestii “SOOMAALIYEEY TOOS” ee astaanta u ah calanka qaranimada Somalia, “The National Anthem”.

Taariikhda Allah u naxariistee Al-Ustaad, Abwaan Yusuf H Adan way qeexan tahay. Wuxuu Ka mid ahaa halyeyadii ugu qiimaha weynaa, haldoorkana ah ee taariikhdu sida wacan u xustay iyo macalamiintii ugu horreyay ee Somalia, gaar ahaan Gobolada waqooyi ka hirgeliyay waxbarashada iyo tacliinta casriga ah horraantii sannadihii 40-meeyadii.

Sidoo kale, si la mid ah, isla sannadahaas, wuxuu ka mid ahaa suxufiyiintii taariikhgalka noqday, bilaabayna Radio Hargeysa. Wuxuu ahaa hal-abuure suugaanyahan ah, si weyna Somalidu u qaddariso iyo Halgame door muhim ah ku lahaa xarakadii gobanima-doonka Somaliyeed, tii waqooyiga iyo tii koofureedba.

Wuxuu ahaa aqoonyahan,qoraa’, abwaan suugaanyahan ah, halgame, aasaase tacliimeed iyo xurnimadoon, siyaasi iyo diplomat intaba. AUN Yusuf H Adan macalanimadiisa iyo tacliintiisii waxaa ka aflaxay dad badan oo aqoonyahanno waaweyn ah, kuwaasi oo ah dad macruuf ah ee aad loo yaqaan, sida takhaatiir, qareenno, injineero, maamul-yaqaanno, suxufiyiin iyo etc, waxaa kaloo ka mid ahaayeen diploomaasiyiin, Abwaano suugaan-yahanno ah, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin Somalia xilal kala duwan ka soo qabteen.

Saaxiibbo iyo dad si weyn u yaqaaneen ayaa ii sheegeen AUN Yusuf H Adan inuu ka mid ahaa aabbayaashii tacliinta gobolada waqooyi, hoggaamiyaashii xarakadii xuryaddii waddaniga iyo Oday Soomaaliyeed nolol iyo geeri kadiba,weligii xushmo iyo xusuus weyn loo haayn doono.

Anigase, waxaan ka marqaati kacayaa sannadihii 80-dii, inaan arkayay isagoo loo sara kacaaya, laguna soo dhoweynaayay xushmeyn darteed in loo qaado heestii “Soomaaliyey toos” mar uu yimid xaflad lagu xusaayay qoraalkii far-Somaliga, laguna qabtay Akadamiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Waqtigaas ayaa si hubaal ah, la ii caddeeyay in nuxurka miraha heesta uu isagu Alifay.

Sidoo kale, aniga qof ahaan, waxaan ka mid ahaa secretariat-kii shirkii golahii dhexe ee Xisbul xaakimkii dowladda ee heesta “soomaaliyeey toos” iyo muusiikadeedii lagu guddoonsaday inay si rasmi ah u noqoto “National Anthem of Somalia”.

Halkaas ayaa waxaa la isku raacay asalka alifidda/curinta miraha “Soomaaliyeey Toos” loo qiray inuu leeyahay Yusuf H Adan, Laakin, haddana, inkastoo madasha dhexdeedii lagu tilmaamay, gadaal dambe, in ay jiraan abwaano dhowr ah, waqtiyo kala duwan, in ay iyagana, isku dayeen miro cusub Inay ku siyaadiyaan, oo aan ahayn kuwii uu curiyay Yusuf H Adan, asalkana u ahaa beeydatkii  gundhigga u ahaa heesta. Iyada oo sidoo kale la diiwaangeliyay, AUN Qasim Hilowle oo loo ictiraafay qofkii ugu horreeyay luuqda iyo laxan saarista “Soomaaliyee Toosoo” ahaana qofkii ugu horeeyay ee ku heesay. Heesta waxay sandhig u noqotay shucuurta halgankii wadaniyada iyo astaanta qaranka.

Yusuf H Adan AUN wuxuu ahaa halyeey, isla markaana lahaa xushmo iyo heybad taariikheed oo dhan kasta ka dhammeystiran. Wuxuu ahaa qof u go’doomay cilmiga, islamarkaana ahaa diiwaan iyo keyd taariikheed ee nool, dad badana, ay ku xirnaayeen, si ay uga faa”ideystaan.

Wuxuu si fiican u yaqiin, daraasadana uu ka sameyn jiray taariikhda dhaqamada dadka iyo deegamadooda, luuqadda iyo lahjadaha kala duwan ee Af-Soomaaliga. Ugu dambeyn, waxgaradka, indhergaradka aqooneed iyo qaybaha kale ee mujtamaca ilbaxda ah, waxay u aqoonsan yihiin, abwaankii curiyay heesta astaanta Qaranka.

Taariikhyahannada iyo qoraayaashaba waxay u haayaan qadarin iyo qiraal, iyaga oo ku tilmaamaaya Yusuf H Adan inuu weligii lahaa awood Rabbaani ah oo naftiisa ugu hibeeyn jiray wehelnimo darteed la noolaashaha bey’adaha aqooneed, xadaradaha, thaqaafadaha cilmiga, taariikhda iyo suugaanta, waxaana lagu xusuustaa inuu dalkiisa uu uga tagay dhaxal taariikheed ee ma guurto ah. Eebboow mahad iyo awood mug-weyn leh oo sugan, adigaa kaligaa leh, waxaan kaa baryeyneena, inaad ku manaysato addoonkaadaas, dambi dhaaf iyo naxariista jannada fardowsa. Aamiin.

Mohamed Ahmed

mcamogli@gmail.com

 LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE