Feeryahankii haystay horyaalka WBO oo si fudud loo garaacay: SAWIRRO

Nin u dhashay Australia oo ahaa macallin Iskool ayaa feer dhulka la dhigay ninka haysta horyaalka feerka adduunka Manny Pacquiao oo u dhashay dalka Filipiin.

Jeff Horn ayaa ku guulaystay dhibco, wareegii 12 aad dagaal feer ah taas oo ka dhigan in uu la wareegay taajkii horyaalka feerka aduunka ee WBO, iyagoo ay goob jog u hayaan feerkaasi oo ka dhacay magaalada Brisbane. konton kun oo taageraayal ah.

Ka hor intii aanu bilaaban feerku waxaa dhammaan goobjoogayaasha u haysteen in sagaal iyo labaatan jirku aanu haysan wax fursad ah oo uu kaga kaga adkaan karo Manny Pacquiao, waxaa guuldaradaas ay la yaab ku noqotay taageerayaasha reer Filibiin oo Manny Pacquiao uu u yahay halyey Qaran iyo Senetor la soo doortay.

Pacquiao oo ah sodon iyo sideed sano jir ah ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah feeryahannada qarnigan ugu sitay. Waxaa jira warar sheegaya in ninkaasi macallin iskoolka ahaan jiray uu guushan ku heli doono 500,000 doolar.

 LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE