VIDEO: Mahad Egal oo ka badbaaday dabkii London oo taageero dhaqaale helay

Mahad Egal oo ka mid ahaa dadkii argagaxa iyo dareenka ka bixiyay dabkii weynaa ee dhismaha Grenfell Tower ayaa soo jiitay dareenka bulshada kala duwan ee UK ku nool iyo guud ahaan caalamka, isagoo telefishinka BBC baahiyay muuqaalka Mahad Egal oo sharxay wixii uu indhahiisa ku arkay.

Mahad ayaa dabaqa afaraad ee dabka uu ka kacay deganaa, isagoo la ilmeeyay dhacdooyinkii naxdinta badnaa ee uu arkay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen aabo labadiisa caruur ah dhismaha dabaqa afaraad ka tuuray, hooyadoodna ay ku dhimatay, dad waayeelo ah oo guryaha kasoo bixi waayay iyo dhacdooyin kale.

Aabahaan Soomaaliyeed oo haysta labo caruur ah ayaa wariyihii wareysaneysay ee telefishinka BBC iyaduna dareenkeeda uu kiciyay Mahad taasoo sii wadi weysay wareysiga. Waxaana dad British ah oo is xil qaamay ay taageero u fidiyeen, iyadoo barta Internet-ka looga aruuriyay 10 kun oo giniga lacagta Ingiriiska.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

 LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

 

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE