SAWIRRO: Real Madrid oo markii 12-aad ku guuleysatay koobka Champion League

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub ee Champion League kadib, iyadoo 4-1 ay kaga badisay kooxda Juventus ciyaarta finalk oo ka dhacday magaalada Cardif ee Wales.

Halyeeyga ciyaarta finalka oo noqday ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo oo labo gool u dhaliyay kooxdiisa isagoo sidoo kale ku guuleystay ciyaaryahanka ugu goolasha badan ee tartanka horyaalka Yurub ee sanadkan.

Ciyaarta finalka Champion League oo sidii la filayay ama la saadaaliyay si ka duwan u dhacday ayaa waxaa markii 12-aad ay kooxda Real Madrid ku guuleysatay, wuxuuna tababaraha kooxdaasi Zidane uu abuuray taariikh cusub oo ay ku soo fashilmeen tababaryaal ka khibrad badan isla markaana waqti dheer ku soo dhex jiray maamulida kubbada cagta.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

 LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE