SAWIRRO: Madaxweynaha Faransiiska oo booqashadii ugu horeysay ku tegay Mali

Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Mali tan iyo markii la doortay bishan bilowgeedii.

Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay, iyadoo booqashadiisa ay tahay sidoo kale booqashadii ugu horeysay ee Afrika uu ku tago tan iyo markii la doortay.

Waxaa uu booqonayaa Macron ciidamada Faransiiska ee la dagaalamaya kooxaha jihaadiga ee waqooyiga dalka Mali oo tan iyo 2013-kii waday dagaalka.Balse Macroon ayaa sidoo kale ka hadlay in bog cusub loo furo xiriirka Faransiiska iyo waddamada Africa, lagana tago dhaqanka loo arkayay gumeysiga casriyaysan, kaasi oo dalal badan oo Afrikaan ah ay ka cawdeen. Hadalkan ah mid ay fududahay in afka laga sheego balse ay adag tahay in la dhaqangeliyo.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku tagi doona safar kale waddanka Mali, kaasi oo aan ku ekaan doonin oo keliya qiimeynta ciidamada Faransiiska ee ku sugan Mali, iyo wadahadallada ku saabsan amniga gobolka, si loo badalo calaaqaadka Faransiisku la leeyahay waddamada uu horey u gemeysan jiray ee sida Mali. 

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE