SAWIRRO: Dad ku dhintay daad ka dhashay roob xalay miray magaalada Muqdisho

Roob aad u xooggan oo bilowday shalay gelinkii danbe ilaa xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Muqdisho ka dalai, kaasoo qaboojiyay dadka iyo dhulka, waxaana ka dhashay daad sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka ku nool kaamamka iyo guryaha cooshadaha ka sameysan.

Wararka laga helayo khasaaaraha ka dhashay daad ka dhashay roobkii xalay ayaa la sheegay inuu qaaday laba caruur ah iyo oday waayeel ah, kuwaasoo ku dhintay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho  oo ka mida degaanada hoose ee roobku khasaaraha ka geysto.

Roobka xalay moray Muqdisho ayaa sidoo kale sababay in dadka kaamamka ku jira ay ku guryo beelaan, halka xaafadaha miyo mareenka ah ay dhibaato kasoo gaartay daad kusoo rogmaday.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

You might also like More from author

Comments

Loading...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE