Dab xooggan oo caawa ka kacay suuqa Bakaara ee magaalada Muqdisho

Dab aad u xoogan ayaa caawa ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaro, kaasoo kusii fiday qeybo ka ka baxsan halkii uu ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in dab ka bilowday qeybta loo yaqaan Khaliifa oo bishii Febraayo dab ka kacay, kaasoo kusii faafay qeybta dahablaha.

Dadaal xoogan oo ay galeen gaadiidka dab-damiska, dadweynaha iyo ciidamada ammaanka ayaa lagu guulestay in la damiyo dagka ka kacay suuqa Bakaaraha.

Bishil Febraayo ee sanadkaan ayey ahayd, markii uu suuqaan dab qabsaday, waliba xilli habeen  saq dhexe  ah waxaana u baabi’iyey hanti fara badan oo tiilay Bakaaraha, kaasoo ganacsatadu ku sheegeen dabkii ugu xoogana abid ee ka kaca suuqa Bakaaraha.

Wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan khasaaraha dabkaan iyo wixii kusoo kordha.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE