SAWIRRO: R/wasaare Khayre oo sii wada kormeerada kediska ah ee wassaraddaha

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta kormeer kedis ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana kormeerkan qeyb uu ka yahay kormeero Ra’iisul Wasaaruhu ku sameynayo xarumaha Wasaaraddaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galayay shaqada Wasaaradda Maaliyadda, maadaama Wasaaraddan ay tahay mida ku shaqada leh dhaqaalaha soo gala dowladda.Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha mid mid u booqday xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo agaasimayaasha ka wareysanayay sida shaqada u socdaan.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha warbixin shaqada Wasaaradda ka dhageystay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bilaabay kormeerka xafiisyada Wasaaraddaha, si uu u hubiyo shaqada ka socota, loona dar dar geliyo.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha soo rogay amaro ku aadan waqtiyada shaqo ee Wasaaraddaha ayaa waxaa xarumaha wasaaradaha laga dareemay dar dar xaga shaqada iyo mashquul badan, iyadoo shaqaale aanay horay u xaadirin jirin wasaaradaha ay bilaabeen inay tagaan.

 

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Soomaaliya
Warfaafiye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE